Agaasimihii Radio Muqdisho oo qarax lagu dilay

Image
Sidoo kale, madaxa telefishinka qaranka Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay weerarkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimahii Radio Mogadishu, Cabdicasiis Afrika, ayaa la sheegay in uu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax caawa ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Weerarka oo ka dhacay isgoyska DalJirka Daahsoon gaar ahaan mehrad mashquul badan ayaa warar horudhac ah ay ku sheegayaan mid lagu xiray gaari uu la socdey.

Fahfaahinta waxay intaas ku daraysaa in gaariga uu sidoo kal saarnaa Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Cabdicasiis Afrika iyo Sharmaa'arke, kaasoo dhankiisa uu dhaawac soo gaarey.

Xogta waxay intaas ku dareysaa in shacab wadada mareysay ay dhaawacmeen. Ma jirto koox dusha saaratay falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa inta badan dusha saarta xoogaga Al-Shabaab.

"Gaari ay wateen agaasimiyaasha Radio Mogadishu  iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Cabdicasiis Afrika iyo Sharmaa'arke ayaa ku qarxay kaalin shidaal oo ku taalo degmada Shangaani. Waxaan rumeysanahay in qaraxa lagu xiray baabuurka. Baaritaan ayaa ku bilownay cidda ka dambeysay," ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Waa falkii saddexaad oo liddi ku ah ammaanka oo bishan gudaheeda ka dhaca magaalada Muqdisho oo isku diyaarinaysa martigelinta doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli saacado kahor xilka laga qaadey wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamuud Maxamed kaasoo tibaaxay in todobaad kahor uu xilka iska casilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM