Ahlu Sunna oo ka baxdey Guriceel kadib dagaal qaraar

Image
Image
Image
Warbixinada ayaa muujinaya in kooxda hubeysan ay ku baxdey dhexdhexaadin ay sameeyeen ganacsato.

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dagaalameyaasha Ahlu Sunna Waljameeca ayaa Arbacada maanta ah waxay ka hayaameen magaalada Guriceel, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo illo wareedyo madax-banaan.

Sida ay muujinayaan warbixinadda laga helayo darafyo kala duwan oo madax-banaan, bixitaanka kooxda ayaa ka dambeysay ka gedaal markii ay dhexdhexaadin sameeyeen ganacsatadda magaaladda.

Ciidamadda dowladda ayaa haatan si buuxda u maamulaya magaalada. Sawirro lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa muujinaya askarta oo kormeereysa dhufeesyadda ay sameysatay kooxda.

Goobaha ay muuqaaladda muujinayaan in askarta ay ku dabaaldegayaan waxaa kamid ah xarunta jaamacadda halkaasoo kooxda Ahlu Sunna ay si weyn ugu dagaalantay maalmihii lasoo dhaafay.

"Ahlu Sunna waxay wareejisay laba gaadiid milatari oo ay ku qabsadeen dagaalka. Maleyshiyaadka waxay ku wajahan yihiin tuuladda Goodwiil," ayuu yiri wariye si dhow ula socdey dedaaladda dhexdhexaadinta.

Afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii Guriceel ay ka dhaceen dagaalo qaraar oo lasoo wariyey in ay ku nafwaayeen in kabadan 100 qof oo labada dhinac ah iyo dhaawacyo intaas kasii badan.

Madaxwaynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] ayaa shalay wuxuu sheegay in colaadda Guriceel ay hurinayaan dhinacyo Soomaali iyo ajaaniib isugu jira. Balse, ma uusan bixin tafaasiil ku saabsan cidda ay yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM