Ahlu Sunna oo qodobo soo saartay kadib jadwalka doorashada Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Hogaanka ururka Ahlu Sunna ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa uu kulan ka lahaa xaaladaha siyaasadeed ee kasoo cusboobaaday dowlad goboleedka Galmudug.

Qadiyadda ugu weyn ayaa ah guddiga doorashooyinka ee xukuumadda oo Isniintii soo saarey jadwalka coddeynta.

Jadwalkaas ayaa waxaa ku cad goorta lasoo xulayo Xildhibaanadda cusub iyo xiliga la dooranayo gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha si lamid ah ku xigeenkiisa maamulkaas.

Inkasta oo shirkaas la sheegay in gabi ahaantiisa uu ahaa mid looga soo horjeedo jadwalka, Ahlu Sunna ayaa la sheegayaa in ay saacadaha nagu soo fool leh soo saari doonan mowqifkooda.

Warar xog ogaal ah oo kulanka laga helay ayaa waxay tilmaamayaan in qodobadda ay qayb ka yihiin arrimahan soo socda;


-Warqad astako ah oo ka dhan ah Villa Soomaaliya oo ay u gudbinayaan xubnaha Beesha Caalamka

-Guddiga Ahlu Sunna magacowday ee dhismaha Galmudug oo soo saarayo "habraacooda saxda ah"

-Xildhibaanadda cusub ee Galmudug oo khilaaf ka taagan yahay in ay noqon doonan 89 xubnood

-Talaabooyinka ay Ahlu Sunna ka qaadeyso "farogelinta" in ay noqon doonan kuwa aad looga taxadaray.

-Iyo hogaanka Ahlu Sunna in uu aad uga walaacsan yahay qorshaha xukuumadda ee dhismaha Galmudug midda


Dhinaca kale, Xildhibaan Shaakir Sheegow oo kamid ah mudaneyaasha Galmudug ee kasoo horjeeda guddiga ayaa ka digay talaabooyinka "sharci daradda ah" ee xukuumadda ka wado Galmudug.

"Markii horeyba guddiga ma aanan aqoonsaneyn lagumana dhisin talo wadaag. Waxaanu jecelnahay in guddigeena uu soo saaro habraaca saxda ah," ayuu u sheegay mareega Garowe Online.

Villa Soomaaliya oo damacsan in natiijo ka qoslisa ka hesho doorashada Galmudug ayaa u muuqaneysa in ay la kulmeyso madax xanuun badan, taasoo hoos u sii dhigeysa mar walba rajadda ay ka qabto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM