Ahlu Sunna oo shaacisay sababta ay uga baxday Guriceel

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaanka sare ee Kooxda Ahlu Sunna ayaa shaaciyay in sababta ay uga soo baxeen Guriceel kadib dagaal halkaasi ay kula galeen Ciidanka DF oo weerar kusoo qaadey Sabtidii Todobaadkan.

Qoraal uu Maanta soo dhigay bogga Facebook ku leeyahay, ayaa Sheekh Shaakir ku sheegay dib u gurashada ay sameeyeen ay timid kadib codsi uga yimid ganacsatada iyo siyaasiyiinta degmada kasoo jeeda.

Sheekh Sheekir ayaa dhanka kale eedeymo culus u jeediyay dowladda Federaalka, isagoo xusay in Ciidan iyo hub ay u dirtay Galmudug lagu burburiyay magaaladda Dhuusamareeb, oo la duqeeyay xarumo caafimaad iyo goobo ganacsi.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in Ahlu Sunna ay ka go'an tahay inay sii wado dagaalka, hadii aysan dowladda joojin Ciidanka ay u daabuleyso Galmudug, ee loo adeegsanayo magaalooyin nabad ah in lagu burburiyo.

Colaadda Guriceel ayaa galaafatay noloshada in ka badan 120 qof, iyadoo dhaawaca intaasi uu ka badan yahay, waxaana ku barakacay ku dhawaad 200,000 oo qof oo ku dhibaateysan duleedka degmada.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay hubka iyo Ciidanka qaranka u adeegsato dano gaar ah, iyadoo ay joojisay dagaalkii Al-Shabaab lagula jiray xili dalka uu wajahayo amni darro baahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM