Shaakir: Qeyb kama nihin doorashada ay DF boobeyso ee Galmudug

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku dhawaaqay in Ahlu Sunna Wal Jameeca aysan qeyb ka ahayn "doorashadda boobka ah ee Galmudug".

Qoraal uu Talaadada maanta ah soo saarey ayuu Madaxa Xukuumadda Galmudug ku shaaciyey in dowladda federaalka ay "afduubatay doorashada gudoonka baarlamaanka".

"Waxaan ka digeynaa in maamul goboleedka Galmudug uu dib-u-dhac iyo is-faham-waa ku dhamaado," ayuu yiri, isagoo ku baaqay in fiiro gaar loo yeesho "faragelinta" xukuumada.

Go'aanka Shaakir ayaa kusoo aadaya kadib markii Guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug uu yeeshay gudoon cusub isla markaana uu soo saarey jadwalka codeynta.

Madaxweynaha iyo ku xigeenka Galmudug ayaa loo muddeeyay in la doorto 30-ka bishaan Janaayo ee sanadkan 2020-ka, sidda ku cad warqadda uu arkay Garowe Online.

Doorashada hogaanka guddiga ayaa dhacday iyaddoo uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda iyo Ahlu Sunna oo ku saabsan in ururka uu majaraha u qabto kooxda maamuleysa cod-bixinta.

Ahlu Sunna oo wadar ahaan baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedkaas ku leh 20 sharci-dejiye ayaa si gaar ah waxay Guddiga doorashadda ku leedahay lix xubnood.

Lixda Xildhibaan ee Ahlu Sunna oo shir jaraa'id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa ku goodiyey in ay doorasho kale qaban doonan hadii aanan xal laga gaarin cabashadooda ka dhan ah dowladda.

Hoos ka akhriso qoraalkiisa

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM