AHN Saxafi Yoonis Cali Nuur oo Geeryoodey

Image

LONDON-Allaha u naxariistee waxaa magaalada London ku geeriyooday Yoonis Cali Nuur oo ahaa Saxafi in badan ka soo shaqeeyay BBC.

Yoonis Cali Nuur ayaa laanta BBC Saxaafada kasoo galay goboladii loo aqoon jirey Woqooyi Galbeed kuwasoo hadda la yirahado Somaliland.

Saxafiga ayaa muddo xanuunsanaa iyadoo sida uu BBC u sheegey Siciid Cali Muuse u dhintey cudur kaga dhacey Beerka.

Warsidaha Garowe Online iyo saxafiyiinta ka shaqeeya ayaa waxay tacsi u dirayaan Wariye Yoonis Cali Nuur, waxaan leenahay Samir iyo imaan Ilaahey ha ka siiyo dhamaan ummada Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskiisa geeridaas naxdinta leh ee ku timid Yoonis, isagana  Ilaahey Janatul Fardowzo ha ka waraabiyo. Aamiin.

Haddaba si aan taariikhdiisii u milicsanno waxaan Idaacada BBC aan ka soo xiganey Siciid Cali Muuse oo ay inbadan soo wada shaqeeyeen, weriyaha BBC Cabdifataax Ibraahim Cagayare ayuu u warramay.

Halkaan ka dhageyso 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM