Iska horimaad ka dhacay agagaarka Leego kaddib markii ciidamo dowladeed jidgal loo dhigay
MUQDISHO — Iska horimaad hubeysan ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Leego, kaddib markii ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo dhawaan kasoo laabtay deegaanka Aw-Yasin Jameeco ay isku dayeen inay gaaraan ama u dhowaadaan aagga dagaalka, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay doonayeen inay baadi-goobaan xubno la tuhunsan yahay inay dhaawacmeen, kuwaas oo laga yaabo inay ku hareen goobihii uu dagaalku ka dhacay.
Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in ciidamada oo u badnaa askar tababarro sare soo qaatay ay ku dhaceen jidgal loo dhigay, kaas oo sababay khasaare. Ciidamada ayaa markii dambe dib ugu guray saldhigga Balidoogle iyo deegaannada duleedka Wanlaweyn.
Dhacdadan ayaa timid xilli uu dib u dhac ku yimid howlgalka la qorsheeyay in laga fuliyo deegaanka Banooda. Dowladda Federaalka ayaa maanta qiratay in howlgalka uu dib u dhacay, iyadoo sababta ku sheegtay isbeddelka xaaladaha cimilada.
Iska horimaadka ka dhacay agagaarka Leego ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli aan la shaacin xilliga rasmiga ah ee la bilaabayo howlgalka Banooda.
Ilo-wareedyada milatariga ma aysan sheegin tirada khasaaraha ka dhashay jidgalkii ciidamada loo dhigay, mana jirto faahfaahin madax-bannaan oo xaqiijinaysa duruufaha iska horimaadka.
GAROWE ONLINE