Al-Cadaala oo ka hadlay “koox la shaqeyso” al-Shabaab

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa maanta sheegay in ay jiraan koox la shaqeysa Al-Shabaab kuwaasi oo fidno ka dhex abuuraya bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu kaga hadlay dagaalka lagula jiro ururka argagaxisada ee al-Shabaab iyo xaalada ay ku sugan yihiin ciidamada ka dagaalmaya jiidaha hore.

Al-Cadaala ayaa sheegay in guuldarradii soo gaartay al-Shabaab ay ku kaliftay inay dad isku soo aadiyaan oo ay hadal dadka lagu kala qeybinaayo usoo dhiibaan.

Wuxuu intaas raaciyay: “Haddii ay al-Shabaab tabar leeyihiin inay dad isku soo aadiyaan looma baahneen, ee furinta Ceelbuur bay ka dagaalami lahaayeen.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa sidoo kale xusay in aysan habooneyn in dhibco siyaasadeed laga raadiyo dagaalka argagaxisada, isagoo ugu baaqay cid walba inay garab istaagto ciidamada.

Hadaldan ayaa ku soo aadaya xilli siyaasiyiinta qaar ay dhaliil u jeediyeen qaabkii loo qorsheeyay dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab, kadib markii ay deegaanka Cowsweyne argagaxisadu ka fuliyeen weerar ay ku furteen gaadiid dagaal oo ay ciidamadu lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM