Al Shabaab oo 5 ruux ku toogatay duleedka Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa shan nin oo ay ku eedaysay basaasnimo ku toogatay duleedka magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay.

Shanta qof oo lagu kala magacaabayay Mahad Cali Xasan, Jibriil Saalax Xaaji, Mahad Cabdi Axmed, Maxamed Cali Aadan iyo Cabdicasiis Ibraahim ayaa waxaa lagu toogtay meel fagaaro ah oo ku yaalla deegaanka Iidaale, oo 60KM dhanka Koonfur uga beegan Baydhabo.

Qaadi katirsan Maxkamadda Al Shabaab ayaa shaaciyay in raggan la dilay ay uu shaqeynayeen Hay'adaha Sirdoonka Mareykanka, Dowladda Federaalka, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, iyagoo xogta uga soo gudbin jiray deegaanada ay maamulaan.

Boqolaal dadweyne ah oo isagu jiray rag, dumar iyo caruur ayaa usoo daawasho tagey toogaashada shanta nin ee Al Shabaab kusoo eedaysay jaajuusnimada.

Inta badan, Al Shabaab ayaa deegaanada ay maamusho waxay ka fulisaa dilalka noocan ah, iyadoo aan jirin qareeno madax-banaan oo ay u qabato dadka ay kusoo eedayso basaasnimada, xatooyada iyo kufsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM