Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay Daynuuney [Fah-faahin]

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Xoogaga Al-Shabaab ayaa dagaal kula wareegey deegaanka Deynuunay ee gobolka Bay, aroornimadii maanta oo Khamiis ah kadib markii ay weerar ku qaadeen xalay, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dagaal culus ka gashay Ciidamadii ku sugnaa Deynuunay oo qiyaastii 20KM dhinaca bari uga beegan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kahor inta aysan la wareegin.

Dagaalka oo socday saacado badan ayaa ka dhashay Khasaaro dhimasho oo gaaraya ugu yaraan saddex qof oo labada dhinac ah, iyadoo ay jiraan tiro intaasi ka badan oo dhaawacyo soo gaarey.

Nuuradiin Abuukar Gacma, Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab ay qabsatay deegaanka, isagoo kasoo bixitaanka Ciidamada ku tilmaamay inay ahayd "xeelad dagaal" islamarkaana ay dib ugu noqon doonaan.

"Xogtooda waan haynay. Markii ay soo galeen gudaha deegaanka, ayaa dagaal lagu bilaabay, khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, balse dib ayaan kasoo sheegi doonaa," ayuu yiri Nuuradiin Gacma.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in hub iyo saanad ciidan ay ka qabsadeen dagaalyahanadeeda Ciidamada ay ka qabsadeen deegaanka Deynuunay, inkastoo Afhayeenka Koonfur Galbeed uu beeniyay sheegashadaasi.

Dadka deegaanka Daynuuney ayaa la qaati ka taagnaa weeraro Joogta ah oo ay xoogaga Shabaab kusoo qaadaan Tuuladdan, taasoo baqdin ku abuurtay, maadaama tiro dhowr jeer ah, sidaan oo kale loosoo weeraray.

Weerarka saaka ayaa imaanayaa iyadoo dhawaan Shirkii Gollaha Amniga Qaranka ee Baydhabo looga dhawaaqay dagaal Shabaab looga saarayo deegaanada Koonfur Galbeed, sidoo kalena la isagu furayo wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM