Al-Shabab oo la wareegtay degaan ku dhaw Muqdisho

Image

BALCAD, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabab ayaa sheegtay in ay la wareegtay galabta gacan ku heynta degaan ku yaalla gobolka Shabeellaha dhexe, kuna dhaw magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al-Shabab ay qabsadeen Ceelka Geela oo dhaca duleedka degmada Balcad, islamarkaana qiyaastii 50KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa isaga soo baxay degaanka, kadib markii looga adkaaday duulaan dhowr jiho ah oo Kooxda Al- Shabab kusoo qaadey fariisamahooda, sida dadka degaan ay u sheegeen Warsidaha Garowe Online.

Labo Askari oo katirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa lagu dilay dagaalka, iyadoo 7 kale ay ku dhaawacmeen. Illaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada oo ku aadan weerarka.

Lama oga Al Shabaab khasaaraha gaarey, balse waxay wararku sheegayaan inay jirto dhimashao iyo dhaawac dhankooda ah, inkastoo aan tirada la xaqiijin karin.

Ceelka Geela oo ku yaalla wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar, ayaa waxay ciidamada Militariga dowladda ku lahaayeen Bar-koontarool oo lacago uga qaadi jireen Gaadiidka isticmaala jidkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dagaalyahanada Al Shabaab ay dib uga baxeen deegaanka caawa fiidkii, kadib markii mudo kooban ay gacanta ku hayeen, waxaana dib ugu laabtey ciidamada dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM