Al-Shabaab oo dishay Nabaddoon 93 jir ahaa

Image

BALCAD, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacid ayaa maanta oo Isniin ah meel fagaaro ah ku dishay Oday dhaqameed 93-sano jir ahaa, kaasi oo kamid ahaa Odayaashii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad.

Allah ha u naxariistee Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Abshir Nuur Xuseen, oo loo yaqaaney (Abhir Maliis) ayaa lagu toogtay deegaanka Gamboole oo ku dhaw degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, isagoo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in dad badan, oo caruur iyo haween ay kamid ahaayeen ay kusoo qasbeen xoogaga Al-Shabaab inay uso daawasho tagaan toogashada odayga.

Marxuum Abshir ayaa mudo ku dhaw 4 bilood ku jiray gacanta Al-Shabaab, isagoo laga qabteya deegaanka xilli uu ku guda jiray xalinta khilaaf u dhaxeeyay Beeralay iyo xoolo-dhaqata halkaasi kawada degan.

Al-Shabaab ayaa horey wacad ugu maratay inay dilayso qof kasta oo ka qeyb qaatey dooarashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee 2016-2017, iyadoo ku dishay Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka Odayaal badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM