Al-Shabaab oo dishay Nabaddoon 93 jir ahaa

Image

BALCAD, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacid ayaa maanta oo Isniin ah meel fagaaro ah ku dishay Oday dhaqameed 93-sano jir ahaa, kaasi oo kamid ahaa Odayaashii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad.

Allah ha u naxariistee Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Abshir Nuur Xuseen, oo loo yaqaaney (Abhir Maliis) ayaa lagu toogtay deegaanka Gamboole oo ku dhaw degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, isagoo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in dad badan, oo caruur iyo haween ay kamid ahaayeen ay kusoo qasbeen xoogaga Al-Shabaab inay uso daawasho tagaan toogashada odayga.

Marxuum Abshir ayaa mudo ku dhaw 4 bilood ku jiray gacanta Al-Shabaab, isagoo laga qabteya deegaanka xilli uu ku guda jiray xalinta khilaaf u dhaxeeyay Beeralay iyo xoolo-dhaqata halkaasi kawada degan.

Al-Shabaab ayaa horey wacad ugu maratay inay dilayso qof kasta oo ka qeyb qaatey dooarashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee 2016-2017, iyadoo ku dishay Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka Odayaal badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM