Al-Shabaab oo iska fogeysay in uu ka tirsanaa Fanaan Abshir Gaarane

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Al-Shabaab ayaa dhinac isaga leexiyey warka ku saabsan in Abshir Gaarane Axmed uu iyaga ka tirsanaa, sidda lagu daabacay baraha taageera ururkaas.

"Ninka muuqaalkiisa lagu faafiyay baraha Bulshada ee lagu magacaabay Abshir Gaarane Axmad wax xiriir ah lama lahan xarakada Al-Shabaab," ayuu yiri horjooge magaciisa la qariyey.

Marka laga reebo beeninta, ma uusan soo bandhigin caddeymo cad-cad oo xoojinaya sheegashadiisa.

Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa xalay baahisay muuqaalka Abshir oo qiranaya in uu la shaqeynaayey kooxdaas gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Abshir ayaa muuqaalka ku xusay in uu xoogagaas ku biiray sanadkii 2013-kii isla markaana uu u qaabilsanaa dhanka sahanka [sirdoonka] iyo maaliyada.

Baareyaasha ayaa daboolka ka qaadey in loo gudbin doonaa hay’addaha garsoorka si loo mar-siiyo hanaanka cadaalada ee waddanka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Al-Shabaab ay darifto war kasoo baxay sirdoonka Soomaaliya, waxaana jirta in ay horey isaga fogeysay xubno lala xiriiriyey oo ay NISA soo bandhigtay.

Waa kuma Abshir Gaarane Axmed?

Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayuu kasoo jeedaa, sidda uu ku sheegay dhowr wareysi oo uu siiyey warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho.

Fanaankan la xag-jireeyay ayaa lagu waramay in uu xoghaye u ahaa Shamso Cali Macalim, oo ah agaasimaha waaxda dhanka fanka ee maamulka gobolka Banaadir.

Qabashadiisa ayaa la fahansan yahay in ay timid markii uu soo far-muuqay Ilkacase, macalinkii dilaaga noqday ee dhowaan kasoo muuqday Talafishinka Qaranka.

Hay'adaha nabad-gelyadda ayaa la wariyey in ay baaritaano ku wadaan fanaaniin kale oo la xiray markii ciidamadu ku duuleen hoy ay ka deganaayeen Boondheere.

Eedeysanaha ayaa la tibaaxay in uu si ku meel gaar ah u qabtay xilka Madaxa Maaliyada Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, isla markaana uu bixin jiray gunada "dilaayaasha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM