Al-Shabaab oo ka hadashay Maalgashiga Ethiopia ee Dekadaha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa ka hadashay heshiiskii Is-afgaradka ee Madaxweyne Farmaajo kula galay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed Muqdisho 16-kii June.

Mahad Karate, oo ah hogaamiyaha labaad ee ugu awood badan Al-Shabaab, ahna madaxa sirdoonka kooxda ee loo yaqaano "Amniyat" ayaa qiyaano ku tilmaamay Maalgashiga Ethiopia ee Dekadaha dalka.

Wuxuu sheegay Mahad Karate in war-murtiyeedkii Farmaajo iyo Abiy Axmed uu ahaa qorshe cusub oo la donayo in Ethiopia loogu xalaaleeyo Dekadaha Soomaaliya, iyadoo loogu gambanayo heshiis Maalgashi.

Farmaajo iyo Abiy Axmed, oo booqasho gaaban ku yimid Muqdisho 16-kii June ayaa isku afgartay in Ethiopia ay maalgashato 4 dekadood, oo ku yaalla Soomaaliya, kuwaasoo aan la shaacin halka ay dalka kaga yaallaan.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa dhalilay muran badan, iyadoo uu Madaxweyne Farmaajo kala kulmay cambaareyn xooggan oo uga timid dhanka bulshada, iyadoo loo arkay Ethiopia inay la wareegeyso dalka.

Waxaa sii kiciyay arinta markii Abiy Axmedka sheegay TV-ga qaranka dowladda Ethiopia hadal ah in isaga iyo Farmaajo ku heshiiyeen in mustaqbalka la mideeyo labada dal [Ethiopia iyo Soomaaliya].

Al-Shabaab ayaa dagaal kula jirtay mudo 10 sano ah Ciidamada Ethiopia iyo kuwa kale ee qeybta ka ah AMISOM, waxaana kooxdan inkastoo laga saarey magaalooyin badan wali maamushaa dhul ballaaran.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM