Al-Shabaab oo ka hadashay Maalgashiga Ethiopia ee Dekadaha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa ka hadashay heshiiskii Is-afgaradka ee Madaxweyne Farmaajo kula galay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed Muqdisho 16-kii June.

Mahad Karate, oo ah hogaamiyaha labaad ee ugu awood badan Al-Shabaab, ahna madaxa sirdoonka kooxda ee loo yaqaano "Amniyat" ayaa qiyaano ku tilmaamay Maalgashiga Ethiopia ee Dekadaha dalka.

Wuxuu sheegay Mahad Karate in war-murtiyeedkii Farmaajo iyo Abiy Axmed uu ahaa qorshe cusub oo la donayo in Ethiopia loogu xalaaleeyo Dekadaha Soomaaliya, iyadoo loogu gambanayo heshiis Maalgashi.

Farmaajo iyo Abiy Axmed, oo booqasho gaaban ku yimid Muqdisho 16-kii June ayaa isku afgartay in Ethiopia ay maalgashato 4 dekadood, oo ku yaalla Soomaaliya, kuwaasoo aan la shaacin halka ay dalka kaga yaallaan.

Heshiiskan Is-afgaradka ah ayaa dhalilay muran badan, iyadoo uu Madaxweyne Farmaajo kala kulmay cambaareyn xooggan oo uga timid dhanka bulshada, iyadoo loo arkay Ethiopia inay la wareegeyso dalka.

Waxaa sii kiciyay arinta markii Abiy Axmedka sheegay TV-ga qaranka dowladda Ethiopia hadal ah in isaga iyo Farmaajo ku heshiiyeen in mustaqbalka la mideeyo labada dal [Ethiopia iyo Soomaaliya].

Al-Shabaab ayaa dagaal kula jirtay mudo 10 sano ah Ciidamada Ethiopia iyo kuwa kale ee qeybta ka ah AMISOM, waxaana kooxdan inkastoo laga saarey magaalooyin badan wali maamushaa dhul ballaaran.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM