Al Shabaab oo Madaafiic ku weerartay Saldhigyo Ciidan

Image

WAJID, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa weerar Madaafiic ah ku qaadey Saldhig Ciidanka Eithiopia ku leeyihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Wararka ayaa sheegaya tiro madaafiic ah ay ku dhaceen gudaha saldhigga, intastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in madaafiicda aysan gaystan wax khasaaro ah, islamarkaana ay ku dhaceen meel ka fog saldhiga ay degan yihiin ciidamada Eithiopia.

Ciidamada Eithiopia, ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa ku jawaabey madaafiic kale, sida dadka deegaan ay xaqiijiyeen.

Dhanka kale, Al Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaadey bar-koontarool oo ciidamada dowladda ku leeyihiin halka lagu magacaabo Ceelka Geella, oo ku dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Kooxda ayaa sheegtay inay ku dishay weerarka oo dhacay xalay saqdii dhexe hal askari, sidoo kalena ay dagaalyahanadeeda ku hub kala duwan ku qabsadeen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay hogaanka ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM