Al Shabaab oo markale weerartay Balcad iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BALCAD, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa markale maanta duhurkii weerar ku qaadey degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo labo maalmood kahor ay mudo kooban kala wareegtay gacan ku heynteeda Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wariye madaxbanaan oo ku sugan degmada, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Al Shabaab ay dhowr jiho kasoo weerartay degmada, kadibna uu qarxay dagaal xooggan oo fool-ka-fool ah oo ay la galeen Ciidanka halkaasi ku sugan.

Dagaalka ayaa waxaa barbar socda madaafiic culus oo lagu garaacayo xaafadaha degmada, kadib markii dagaalyahanada Al Shabaab la kulmeen iska-caabin markii ay isku dayeen inay gudaha usoo galaan degmada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo gurmad ah oo kasoo ruqaansaday duleedka Balcad ay ku biireen dagaalka, kaasi oo hakiyay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga magaalada iyadoo dadka ay u kala carareen guryahooda si rasaasta uga gambadaan.

Al Shabaab ayaa maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay la wareegtay mudo saacado ah degmada Balcad oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Fahfaahinta dagaalka kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda oo Macawiisleyda uga tagtay jiida dagaalka AS ee Bartamaha Soomaaliya 

Mid kasta oo ka mid ah dagaalyahannada Macawiisleyda ayaa dowladda ka ballanqaadday mushahar bille ah oo gaaraya $100 doolar.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 09:07AM

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM