Al Shabaab oo markale weerartay Balcad iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BALCAD, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab ayaa markale maanta duhurkii weerar ku qaadey degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo labo maalmood kahor ay mudo kooban kala wareegtay gacan ku heynteeda Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wariye madaxbanaan oo ku sugan degmada, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Al Shabaab ay dhowr jiho kasoo weerartay degmada, kadibna uu qarxay dagaal xooggan oo fool-ka-fool ah oo ay la galeen Ciidanka halkaasi ku sugan.

Dagaalka ayaa waxaa barbar socda madaafiic culus oo lagu garaacayo xaafadaha degmada, kadib markii dagaalyahanada Al Shabaab la kulmeen iska-caabin markii ay isku dayeen inay gudaha usoo galaan degmada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo gurmad ah oo kasoo ruqaansaday duleedka Balcad ay ku biireen dagaalka, kaasi oo hakiyay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga magaalada iyadoo dadka ay u kala carareen guryahooda si rasaasta uga gambadaan.

Al Shabaab ayaa maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay la wareegtay mudo saacado ah degmada Balcad oo qiyaastii 30KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Fahfaahinta dagaalka kala soco wararkeena dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM