​Al Shabaab oo sheegatay dilka 43 Askari oo Ethiopia ah

Image

MUQDISHU- Ururka Al Shabaab  ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay dileen 43 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Ethiopia  ee ku sugan  gudaha dalka, kuwaasi oo qayb ka ah howlgalka Nabad ilaalinta AMISOM.

"Dagaallamayaashayada ayaa guluf ku ekeeyay saldhigga AMISON  ee loo yaqaanno Halgan...Waxaaanu dillay 43 askari oo ka mid ahaa ciidan Midowga  Africa ee ka socda Ethiopia, " Sidaasi waxaa yiri Af-hayeenka dhanka howl gallada ee Al-shabaab, oo lagu magacaabo Sheikh Cabdicasiis (Abu-muscab) isaga oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Reuters.

Al-shabaab waxay tilmaameen in howlgalkaasi oo xoogganaa ay ku dhinteen qaar ka mid ah dagaallamayaashooda.

"Waxa jiray qarax culus oo baabi'iyay ganjeelladii  iyo qaybihii kale ee saldhigaba,"Ayuu hadalkiisa raaciyay Abu -muscab.

Weerarka ayaa lagu qaaday saldhig lagu magacaabo Halgan oo ku yaalla meel 300KM Waqooyi kaga aaddan caasimadda soomaaliya ee Mogadishu.

Ciidanka AMISOM, weli wax war ah kama soo saarinweerarkaan Al-shabaab sheeganayaa, laakiin dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqleen qarax culus iyo rasaas xooggan oo saldhigga ka  dhex yeeraysay.

Al-shabaab ayaa badanaa qaraxyo iyo weerarro la eegta ciidanka AMISON iyo kuwa dowladda soomaaliya ee  dagaalka kula jira kooxdaan.

Bishii January ee sannadkaan ayey ahayd markii Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhiga ciidanka AMISOM ee ka socda Kenya ay ku lahaayeen  degmada Ceel-cadde  ee gobolka Gedo, iyagoo dilay in kabadan 100 askari, laakiin dowladda Kenya way ka gaabsatay in ay xusto tirada dhabta ah ee weerarkaas kaga dhintay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM