​Al-Shabaab oo sheegtay dilka taliye AMISOM katirsan

Image

Sida lagu baahiyay baraha Internetka ee taageera ururka Shabaab, waxaa gobolka Shabellaha hoose lagu dilay taliyaha ciidamada AMISOM ee deegaanka Shalanbood kadib dagaallo dhacay Khamiistii iyo Jimcihii lasoo dhaafay.

Shabaab ayaa sheegtay inay taliyahaasi sidoo kale la dileen tiro katirsan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Somalia.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca hogaanka ciidamada AMINSOM kaasi oo lagu xaqiijinayo arrinta kooxda Shabaab kahadashay, balse waxaa jiray dagaallo qaraar oo labadii maalin ee tagay dhexmarayay labada garab.

Dagaallada ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Jannaale iyo Buufow ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaana isku dhacani yimi kadib markii ciidamaadaasi damceen inay dib ugu laabtaan Jannaale oo horay uga baxeen, balse waxay iska caabin kala kulmeen xoogag katirsan Shabaab.

Xaaladda deegaanada lagu dagaallamay ayaa lagu soo waramayaa inay dagantahay, balse waxaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo ciidamada Uganda wadaan, waxaana sidoo kale jira qax xooggan oo dad shacabka ah samaynayaan kuwaasi oo ka cararaya madafiic la isweydaarsaday.

Jannaale waxaa hadda gacanta ku haya mallayshiyaadka Shabaab, balse horay wuxuu ugu jiray gacanta ciidamada dowladda, lakiin dhawaan ayay ahayd markii lala wareegay iyadoo aysan jirin cid joogta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM