Al Shabaab oo markale weerartay Afgooye

Image

AFGOOYE, Soomaaliya - Dagaalyahano hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa caawa weerar markale ku qaadey degmad Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, oo 30Km waqooyi galbeed uga beegan Muqdisho.

Dad goobjoogiyaal ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in weerarka uu yimid kadib markii mintidiin isku dhex-qarisay Gaari shacab ay rasaas huwiyeen ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo laga galo degmada.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo haweenay ah ayaa ku geeriyootay, iyadoo labo kale oo shacab ah sidoo kale ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo rasaasta labada dhinac haleeshay iyagoo goobta marayay.

Sida ay saraakiisha degmada Afgooye sheegeen, ciidamada dowladda ayaa iska caabiyay Al Shabaab, iyadoo aan wax khasaaro ah kasoo gaarin duulaanka gaadmada ah ee lagu soo qaadey saldhigooda.

Al Shabaab ayaa dhowr jeer sidan oo kale u weerartay degmada, oo ku taalla meel istaraatiiji ah maadaama ay isku xirto Muqdisho iyo gobollada Koonfurta dalka, waana irida laha galo Caasimadda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in sababta ay degmada u noqotay goob u nuqul weerarada ay tahay in deegaanada ku hareeraysan ay gacanta ku hayso kooxda Al Shabaab, iyo ciidanka jooga oo ah kuwa aan lahayn awood badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM