Al-Shabaab oo weerartay saldhig ay leeyihiin ciidamadda Soomaaliya

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ugu yaraan laba askari ayaa lagu waramay in ay ku dhinteen, tirro kalana ay ku dhaawacmeen kadib is-miidaamin ay Al-Shabaab ku qaadey xeradooda degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Dhowr illo wareed oo dhanka amniga ah ayaa u sheegay Garowe Online in weerarka oo loo adeegsaday gaari walxo qarxa laga soo buuxiyey oo ay la socdeen dagaalameyaal ka tirsan maleeyshiyaadka hubeysan ee Al-Shabaab.

Fahfaahinada horudhaca ah ayaa soo jeedinaya in gaariga lagu dhuftay albaabka lagu galo saldhiga, balse saraakiishu ku sugan xerada waxay sheegeen in ay gantaal ku qarxiyeen kahor inta uusan gaarigu soo gaarin ilinka.

Ma jirto wax war ah oo ku saabsan dhacdadaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Xerada la bartilmaameedsaday oo amnigeeda aad loo adkeeyo waxaa ku sugan Taliska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed gaar ahaan qeybtiisa 21ad.

Weerarkaan ayaa la sheegay in uu noqonayo kii ugu horeeyay oo xoogaga hubeysan ay ku ekeeyaan ciidamada ku sugan goboladda dhexe.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidamadda ay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen halkaas, talaabadaas oo la sheegay in ay qayb ka tahay dedaaladda la doonayo in looga xoreeyo degaanada ku hoos-jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM