Al Shabaab oo xubno sare looga dilay Duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe

Image

JILIB, Soomaaliya - Mareykanka ayaa xaqiijiyay in weerar cirka ah oo Diyaaradihiisa dagaalka ay ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya inuu ku dilay saddex xubnood oo katirsanaa Al Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika [AFRICOM], ayaa lagu sheegay in Duqeynta oo shalay ka dhacday duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ku beegsadeen Gaari ay la socdeen Saraakiil iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa sheegtay in diyaarada ay gantaal ku dhufatay Gaari uu ku xiran yahay qoriga Dhashiikaha, oo ay wateen saraakiisha Al Shabaab, xilli ay kusoo jeedeen degmada Jilib, oo ah xarunta ugu weyn ee Kooxda ku leedahay Koonfurta Soomaaliya.

War Saxaafadeedka AFRICOM ayaa sidoo kale lagu xusay in aysan jirin wax khasaaro ah oo shacabka uu kasoo gaarey weerarka dhanka cirka ah ee Ciidamada Mareykanka la beegsadeen Al Shabaab.

Mareykanka ayaa kordhiyay Howlgalladiisa Soomaaliya tan iyo sanadkii tagey, iyadoo ilaa sanadkan inta uu billowday fuliyay 11 Duqeyn kuwaasi oo lagu dilay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab.

Al Shabaab oo lumisay gacan ku heynta deegaanno badan tan iyo 2011, ayaa waxay wali maamushaa goobo muhiim ah, iyadoo awooda inay fuliso weerarada ka dhanka ah Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, kuwaasi oo intooda badan ka dhaca Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mas’uuliyiin iyo Xildhibaanno lagu jirdilay, laguna afduubey Muqdisho 

Puntland waxay dusha u saartay mas'uuliyadda wixii dhibaato ah ee ka dhasha falkaas Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    04-03-2026

  • 10:50AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM