Al-Shabaab oo weerar ku dishay askar katirsan Boliiska Kenya

Image

27 December, 2015(GO)-Weerar ay fuliyeen koox katirsan xarakada Al-Shabaab ayaa lagu dilay labo sarkaal oo katirsan ciidamada Boliiska Kenya kuwaasi oo ku sugnaa xadka Somalia la wadaagto Kenya.

Kooxda ayaa ragaasi ku dishay weerar gaadmo ay oo la eegteen kolonyo ciidamada booliiska Kenya oo marayey jidka isku xira Mandera iyo Ceel Waaq, waxayna sheegteen inay qabsadeen gaari millatariga dalkaasi leeyahay.

Dagaalkan ayaa lagu soo waramayaa in kooxdaasi adeegsanayeen qoryaha garabka laga tuuro, waxaana la ogayn khasaaraha dhinacooda soo gaaray.

Al-shabaab ayaa todobaadkan tiro katirsan ciidanka Boliiska Kenya ku dhisay weerar iyo qaraxyo xilli ay ku sugnaayeen xadka, halka qaybtood lagu dilay gudaha dalkaas.

Majirto wax tallaabo ah oo dowladda Kenya qaaday, balse waxay ku jirtaa feejignaa kadib markii ay heshay xog sheegaysa in dagaalo ka dhici karaan horaanta sannadka cusub gaar ahaan xilliga ciidda Cirismaska.

Tan iyo markii 2011 Millatariga Kenya soo galeen dalka Somalia waxay la kulmayeen hanjabaado iyo weeraro uga yimaada kooxda katirsan Al-Qaacidda ee dagaalka kula jirta dowladda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM