Ameerikaan usoo safray ku biirida Al-Shabaab oo la qabtay

Image
Karrem Nasr ayaa la sheegay inuu dhiiranaanta ka qaadey weerarkii Xamaas ku qaadey Israa'iil.

WASHINGTON, USA - Muwaadin u dhashay Mareykanka kana soo jeeda gobolka New Jersey ayaa lagu xiray Kenya isaga oo lagu soo oogay dacwad ah inuu isku dayay inuu caawiyo kooxda Al-Shabaab.

Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa sheegtay in Karrem Nasr uu dhiiranaanta ku biiritaanka xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida uu ka qaadey weerarkii Xamaas ee 7-dii October 2023-kii.

Xarigga ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay sii kordhayaan dhacdooyinka Islaam nacaybka ah ee ka dhashay duulaanka Israa’iil ku hayso Qaza, kaas oo sare u qaaday heerka "khatarta argagixisada ee Maraykanka".

"Nasr, oo  guuray Masar bishii Luulyo, ayaa lagu xiray magaaladda Nairobi 14-kii Diseembar, waxaana la keenay Mareykanka Khamiista," ayay raacisay waaxda caddaaladda oo bayaan soo saartey Jimcihii.

Eedeysanaha oo 23-jir ah ayaa lagu soo oogay inuu isku dayay inuu taageero agab ah urur argagixiso ah taasoo loogu xukumi karo ugu badnaan 20 sano oo xarig ah, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

"Mr. Nasr ayaa qaaday tillaabooyin uu ugu biirayo Al Shabaab, isagoo qorsheynayay inuu la kulmo xubno ka tirsan ururka oo ku sugan Kenya si uu ugu sii socdaalo Soomaaliya," ayay tiri waaxda cadaaladda.

Al-Shabaab ayaa joogitaan saameyn leh waxa ay ku leedahay gudaha Kenya gaar ahaan degaanada ku dhow xuduudka Soomaaliya halkaas oo looga sii talaabiyo sahayda iyo dagaalameyaasha ajnabiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM