​AMISOM iyo Al Shabaab oo ku dagaallamay Baraawe

Image

MARKA, Somalia- Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dagaal kharaar oo maanta dhexmaray kolonyo katirsan ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM iyo Mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay labo tuulo oo 32KM u jira degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, wuxuuna ku bilowday qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay oo lala eegtay ciidamada AMISMO iyo rasaas la huwiyay qarax ka dib.

Qoraal kooxda Shabaab soo dhigtay barahooda Internedka waxay ku sheegeen inay gubeen hal gaari islamarkaana ciidamada AMISOM kadileen ilaa 10-neeyo askari.

Majirto wax war ah oo dhinaca AMISOM kasoo baxay kaasi oo xaqiijinaya sheegashada Al Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Barre Maxamed “Xuseen Jeex” oo la hadlay VOA, ayaa xaqiijiyay in dagaalkaasi uu ahaa mid culus islamarkaana uu jiro khasaaro labada dhinacba ah inkastoo carrabka ku dhuftay inuu u badanyahay dhinaca kooxda Shabaab.

Ciidamada la weeraray, ayuu Guddoomiyuhu sheegay inay ka yimaadeen dhinaca magaalada Muqdishu islamarkaana sideen Raashin loo waday ciidamo kale oo AMISOM katirsan.

Mallayshiyada Kooxda Shabaab ayaa inta badan gobolka Shabeellaha hoose ka gaysta weeraro kala duwan, mana aha markii ugu horraysay ee ay qarax dhulka ugu aasaan ciidamada AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM