​AMISOM iyo Al Shabaab oo ku dagaallamay Baraawe

Image

MARKA, Somalia- Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dagaal kharaar oo maanta dhexmaray kolonyo katirsan ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM iyo Mallayshiyaad katirsan kooxda Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay labo tuulo oo 32KM u jira degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha hoose, wuxuuna ku bilowday qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay oo lala eegtay ciidamada AMISMO iyo rasaas la huwiyay qarax ka dib.

Qoraal kooxda Shabaab soo dhigtay barahooda Internedka waxay ku sheegeen inay gubeen hal gaari islamarkaana ciidamada AMISOM kadileen ilaa 10-neeyo askari.

Majirto wax war ah oo dhinaca AMISOM kasoo baxay kaasi oo xaqiijinaya sheegashada Al Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Barre Maxamed “Xuseen Jeex” oo la hadlay VOA, ayaa xaqiijiyay in dagaalkaasi uu ahaa mid culus islamarkaana uu jiro khasaaro labada dhinacba ah inkastoo carrabka ku dhuftay inuu u badanyahay dhinaca kooxda Shabaab.

Ciidamada la weeraray, ayuu Guddoomiyuhu sheegay inay ka yimaadeen dhinaca magaalada Muqdishu islamarkaana sideen Raashin loo waday ciidamo kale oo AMISOM katirsan.

Mallayshiyada Kooxda Shabaab ayaa inta badan gobolka Shabeellaha hoose ka gaysta weeraro kala duwan, mana aha markii ugu horraysay ee ay qarax dhulka ugu aasaan ciidamada AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM