​AMISOM oo ka hadashay Askarteeda la xiray

Image

MUQDISHU- War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa looga hadlay dhacdadi Axaddii shalay lagu xeray shan kamid ah ciidamadooda ka howlga gala magalada Muqdishu.

Qoraalka ayaa lagu cadeeyay in howlgalka lagu soo qabtay ciidamadan ay la socdeen AMISOM islamarkaana wax ka fuliyeen ciidamdooda iyagoo sheegay inaysan u dul qaadan doonin in askar katirsan u dhaqmaan qaabkan oo kale.

“Amisom waxa ay horey u heshay akhbaar ku saabsan in askartan ay ku lug lahaayeen dhaqdhaqaaqyo sharci darro, baaritaan deg deg ah ayay ku sameysay arrintan, waxayna ayada oo kaashaneysa booliiska Soomaaliya ay si deg deg ah u xireen askartan,” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka soo baxay.

Waxa sidoo kale sheegeen inaysan raali ka ahayn in qaab tuugaysi ah loo gado agabka loogu talo galay in lagu xasiliyo Soomaaliya.

Howlgalka ayaa dhacay xilli shalay koox katirsan AMISOM iyo dadka shacab ah kala iibsanayeen agab isugu jiray Shidaal, Jawaanno iyo sannadiiqda Rasaasta, kuwaasi oo lagu iibinayay nawaaxiga wakaaladdii hore ee Biyaha Soomaaliya.

Balse, sheegashada AMISOM ee ah inay qayb ka ahaayeen howlgalka ayaa meesha ka saaraya qoraal ay shalay ku baahiyeen bartooda Twitterka taasi oo ahayd inaysan ka warhayn xarigga askartooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM