Amnesty International oo ka hadashay xukunka wariye Cabdicasiis Gurbiye

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa si kulul u cambaareysay xukunka lagu ridday wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye, tifaftiraha warbaahinta Goobjoog.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee qeybta hay'adda bariga qaaradda Afrika ayaa xukunka ay maanta ridday maxkamadda gobolka Banaadir wuxuu ku sifeeyay "mid looga been-sheegay hanaanka cadaaladda".

"Kiiska waa la siyaasadeeyay, wuxuuna fariin cabsi leh u dirayaa wariyeyaasha iyo dadka kale ee dhaleeceeya mas'uuliyiinta aan u dulqaadan kala aragti-duwanaanta," ayaa lagu yiri qoraalka Amnesty.

Gurbiye oo sidoo kale lagu xukumay in uu bixiyo shan milyan oo lacagta Soomaaliya ah una dhiganta laba boqol oo Doolar ayaa fursad u haysta in uu iibsado xukunka jeelka, wallow aan la muddeyn.

Saxafiga bishii April waxaa lagu xiray saldhiga degmadda Hodan. Qabashadiisa waxay timid markii uu Facebook ku qoray in madaxweyne Farmaajo "xaday" qalabka neefta siiya bukaanada Covid-19.

Warbaahinta uu ka tirsan yahay ee Goobjoog ayaa warisay in loo beegsaday in uu ka waramay qaabka dowladda u maareysay safmareenka dilaaga ah, kaasoo kumanaan ruux ku dhacay gudaha dalka.

Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ oo war qoraal ah soo saarey ayaa si kulul u cambaareeyay "xariga sharci darrada ah ee lagu riday Wariye Cabdicasiis Gurbiye tafaftiraha Goobjoog".

Waxaa la raaciyey: "Maxkamadda ayaa horay uga diiday Cabdicasiis inuu wax qoro Afar Bilood oo banaanka uu ku joogay damiin, waxeyna nagu noqotay lama filaan in xeerka ciqaabta Soomaaliyeed loo adeegsado kiiska Wariyaha oo aan ka dignay dhowr jeer in maanta Lix bil oo xabsi ah lagu xukumay ma ahan wax la aqbali karo".

"FESOJ waxey xukunka Cabdicasiis Gurbiye ka qaadan doontaa Racfaan," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Sikastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa kamid ah wadamadda caalamka ee lagu dhibaateeyo wariyeyaasha ka howlgala warbaahinadda madaxa-banaan, waxaana bartilmaameedsada dowladda federaalka ah iyo kooxaha hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM