Aqalka Sare oo isku khilaafsan Go'aankii Gollaha Shacabka ee DP World

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ka yeeshay go’aankii Isniintii kasoo baxay Gollaha Shacabka ee dalka looga mamnuucayo DP World.

Markii uu furmay fadhiga, Senatarada qaar ayaa soo jeediyay talooyin ku aadan in Gollaha Aqalka Sare dib u eegaan qaraarka ka dhanka ah DP World, lana lasiiyo waqti ay uga soo talo bixiyaan Xildhibaanada.

Waxay sidoo kale Senatarada ku baaqeen in Fahfaahin dheeraad ah loogu yeero Aqalka Sare Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo markii uu Heshiiska Dekedda Berbera dhacayay ku sugnaa Imaaraadka.

Xildhibaano kale ayaa iyaguna soo jeediyay in la meel-maryo go’aanka Gollaha Shacabka, loona gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu ugu saxiixo, islamarkaana loogu soo saaro faafinta rasmiga ah.

Gollaha Shacabka ayaa u codeeyay qaraar ay ku dalbadeen in Shirkadda DP World laga joojiyo maal-gashiga ay kawado dalka, iyagoo ku doodaya in Heshiiska ay la gashay Somaliland uu dhawaacayo madaxbanaanida Soomaaliya.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa ku kala qeybsamay go’aanka Gollaha Shacabka, iyadoo ay suurta gal tahay in dib loo celiyo, maadaama Senatarada ay matalaan danaha dowlad goboleedyada laga soo doortay ee qaarkood heshiiska kula jira Shirkaddan.

Ismari-waaggan ayaa kusoo beemaya xilli Madaxweyne Farmaajo la filayo in Booqasho rasmi ah uu ku tago Todobaadka soo socda dalka Qadar, oo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeya dowladda Imaaraadka Carabta iyo kuwa kale ee Khaliijka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM