Aqalka Sare oo ka doodaya go'aankii Gollaha Shacab ka gaarey DP World

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta oo Talaado ah ka doodaya go'aankii Gollaha Shacab ay ka gaareen shalay Shirkadda DP World, ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Kulanka Aqalka Sare oo ah mid xasaasi ah ayaa dood kadib la la filaya in Gollaha Shacabka ay ku raacaan ama ay ku diidaan qaraarkii uu uga mamnuucay DP World inay dalka kasii wado howlaha mashariicda maalgashiga dhanka dekedaha.

Xunbaha Aqalka Sare, oo wakiillo ka ah dowlad goboleedyada dalka ayaa suurta-gal ah in ay wax ka bedel ku sameeyaan go'aanka kasoo baxay Gollaha Shacabka, kaasi oo dhaawacaya xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Hadii uu ka gudbo qaraarkan Aqalka Sare, waxaa loo gudbin doonaa Madaxweyne Farmaajo oo saxiixiisa ku dhaqan-galayo, iyadoo lagu soo saarayo faafinta rasmiga ah ee Xafiiskiisa.

Ka doodista Kiiska DP World ayaa kusoo beegmaysa xilli Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ay ku wajahan yihiin Todobaadka soo socda dalka Qadar, oo xiriirka ay u jareen Sacuudiga iyo Imaaraadka. Halkan ka akhri.

Somaliland ayaa si adag uga hortimid go'aanka dowladda Federaalka ee ku aadan Heshiiska Dekedda Bebera ee ay la gashay DP World, kadib markii Baarlamaanka maamulkiisa uu meel-mariyay sanadkii 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM