Aqalka Sare oo loo gudbiyay Sharciga Howlgabka iyo Liiltirka shaqaalaha

Image
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ayaa la faray in ay waajibaadkooda kasoo gutaan hindise-sharciyeedkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiis 3-aad oo ajandihiisu ahaa Akhrinta1-aad ee Sharciga Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Cabdi Xaashi ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Guddoomiye ku xigeennada Golaha, Mudane Cali Shacbaan Ibtaahim iyo Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde)

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshad, Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa Sanatarrada u faahfaahiyay muhiimadda hindise sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda.

Intaas kadib, Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa faray guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Aqalka Sare in ay la wareegaan Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda, si ay uga soo gutaan waajibaadka ka saran Golahana ay dib ugu soo celiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM