Gudigii Aqalka Sare oo shaaciyey inay burburtay Waanwaantii Gollaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudigii Aqalka Sare uu u magacaabay dhawaan xalinta Khilaafka Siyasaadeed ee u dhaxeeya Gudoonka Gollaha Shacabka iyo Xildhibaanada ayaa shaaciyay inay burburtay Waanwaantii ay wadeen maalmihii lasoo dhaafay.

Xubnaha Xalinta Khilaafka ee Aqalka Sare oo uu hogaaminayo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Gudiga ayaa kulamo la yeeshay dhinacyada iska soo horjeeda, gaar ahaan Cabdiweli Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad, kaasi oo la isku mari-waayay.

Gudiga ayaa go'aanka ku dhawaaqay kadib markii la isku mari waayay Qodobada kala ah mudada Gollaha Shacabka la horkeenayo Mooshinka, ee loo codeynayo iyo qaadista Ciidamada la duldhigay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegay in Xildhibaanada Mucaaradka ah ee uu hogaaminayo Cabdiweli Muudey ay ka biyo diideen qodobada kor ku xusan, taasi oo soo dedejisay in Gudiga Aqalka Sare ee xalinta Khilaafka uu gacmaha ka taagto Xiisadda ka taagan Gollaha Shacabka.

Dhanka kale, ku dhawaan 100 Xildhibaan oo la safan Jawaari ayaa ku dhawaaqay saacadihii ugu dambeeyay inuu burburay Mooshinka, kadib markii waqtigii loo qabtey lagu korkeeni waayay Baarlamaanka, taasi oo ahayd 28-ka bishan Maarso.

Lama oga halka uu ku biyo shuban doono Khilaafka Siyaasadeed ee hareeyay Dowladda Madaxweyne Farmaajo taasi oo sii billaabatey 14-kii bishan kadib markii miiska lasoo saarey Mooshin xilka looga qaadayo Jawaari, kaasi oo laga taageerayo Xafiiska Ra'iisuk Wasaare Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM