Aqalka Sare oo soo saaray Talooyin ku aadan Mooshinka Jawaari [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga Aqalka Sare ee Khilaafka Gollaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Go'aan Cusub kasoo saaray Xilliga iyo Qaabka loo wajahayo Mooshinka Gudoomiye Jawaari.

Guddiga ayaa soo jeediyay in waqtiga Mooshinka laga soo billaabo 18-ka bishan, sidoo kalena doodiisa iyo cod u qaadistiisa ay ku dhacaan mudo 10 maalmood ah gudahooda ah, marka laga reebo maalmaha fasaxa ah.

Qoraalka Guddiga ayaa lagu soo jeediyay in codeynta Mooshinka ay u dhacdo qaab qarsoodi ah, si waafaqsan Xeer hoosaadka iyo Dastuurka dalka, iyo in Kulanka laga qeybgeliyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka Aqalka Sare, Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka.

Guddiga ayaa xusay in Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliyaugu baaqay inuu cadaadis ku saaro labada dhinac sidiii loo qaab nabadeed loogu soo afjari lahaa Mooshinka dhaliyay Khilaafka.

Waxa uu sidoo kale Guddiga soo jeediyay in maalmo tirsiga mooshinka laga bilaabo 18-ka Marso, taasna islamarkaana codeyntu ay dhacdo 28-ka bishan oo 3 maalmood kaharsan, iyadoo haddii hal maalin uu mooshinka dhacayo [Expre]. 

Dhinacyada Khilaafka ayaa Gudiga ugu baaqay inay muujiyaan tanaasul iyo wada shaqeyn buuxda.

Dhanka kale, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa isna ku dhawaaqay in 31-ka bishan ay dhacayso codeynta mooshinka Jawaari, isagana uu shir gudoomin doono Kulanka lagu go'aaminayo Mustaqbalka Gudoomiyaha.

Go'aanka Gudiga ayaa kusoo beegmaya xilli uu Madaxweyne Farmaajo dib ugu soo laabtey Villa Soomaaliya, islamarkaana uu billaabay dhex-dhexaadinta labada dhinac ee Khilaafka, isagoo kulamo la yeelanaya Xildhibaano iyo Gudoonka Gollaha Shacabka. Halkan ka akhri. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM