Aqalka Sare oo u yeeray Wasirro kadib Weerarkii Guriga Cabdi Qeybdiid

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xubnaha Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray maanta Wasiiradda Amniga, Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Taliyaha ciidamada Xoogga dalka.

Aqalka Sare ayaa su'aalo ka waydiin doona Wasiiradda iyo Jeneraal Gorod weerarkii shalay ciidamada dowladda ku qaadeen Guriga Cabdi Qeybiid maalintii shalay.

Wasiirka Difaaca Musal Maxamed Sheekh, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Cadaaladda Abukaate Xasan Xuseen iyo Taliyaha ciidamada xoogga Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa la filayaa in kulanka soo socda ay hortagaan Aqalka Sare.

Waxay sharaxaad ka bixin doonaan qaabka uu u dhacay weerarka, cida amarka bixisay iyo kuwa fuliyay guutada ay katirsan yihiin, iyadoo shalay la xiray 40 Askari iyo labo Sarkaal.

Ajandaha Kulanka Aqalka Sare oo ahaa ka doodista Miisaaniyadda 2018-ka, ayaa lagu soo daray arinta weerarka Hoygka Cabdi Qeybdiid, kadib markii Senetaro ay soo jeediyeen.

Kulanka waxaa soo xaadiray 29 Mudane, kuwaasi oo dhageystay marka hore codsi uga yimid Madaxweyne Farmaajo oo ku aadan in uu isaga saxiixo Miisaaniyadda cusub.

Cod ayaa la geliyay codsiga Farmaajo, waxaana taageertay 26 Senetar, halka 3 ay ka amuusty, mana jirin cid diiday, sida uu ku dhawaaqay Gudoonka Aqalka Sare dhamaadka Kulanka.

Gabagabadii, Aqalka Sare ayaa u ogolaaday Madaxweyne Farmaajo inuu ansixiyo Miisaaniyadda cusub ee 2018-ka, maadaama aan loo haynin waqtiga looga doodo, maadaama maalinta berri ah uu billaabanayo sanadka cusub.

Madaxweynaha ayaa doonaya in Miisaaniyadda mar hadii ay Gollaha Shacabka kasoo gudubtay inta dhiman isaga loo daayo oo aysan Aqalka Sare gelin wax dood ah, iyadoo saxiixiisa ugu dambeynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM