Aragtida la ayiday ee xalka xiisada kasoo korortay Galmudug

Image
Guriceel ayaa noqotay furin cusub oo majaxaabin karta geedi-socodka doorashooyinka federaalka Soomaaliya.

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Kadib markii xal loo helay xiisadihii gobolka Gedo iyo kuraasta gobolada waqooyi, Guriceel ayaa noqotay furin cusub oo majaxaabin karta geedi-socodka doorashooyinka heer federaal Soomaaliya ee sida weyn dib-ugu-dhacay.

Ahlu Sunna oo saddex sano kusoo qaadatay dibad-joognimo ayaa xudun u ah xasaradan qarka u saaran in ay isku rogto dagaal dhiig ku daato xilli ay shuruudo ay la timid dartood u burbureen wadahadalo lala furay kooxda.

Illo wareedyo ayaa caddeeyay in wadaadadu u socdaan in ay gorgortanka ku helaan kuraas heer federal ah. Dadka qaar waxay rumeysan yihiin in shuruudan ay ku metelayaan siyaasiyiin daaha gadaashiisa ku dhuumaneysa.

Dhinacyada lala xiriirinayo waxaa kamid ah madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo. Villa Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale waxay si weyn ugu ololeynayaan "talaabooyin aan u adeegayn xalka iyo is-fahamka sida abaabul ciidan".

"Sidoo kale, waxaa jira siyaasiyin kale oo musharaxiin madaxwayneyaal ku jiraan kuwaasoo si dhuumaaleysi ah ku taageeraya Ahlu Sunna si saaxiibadooda oo Xildhibaano doonaya u soo laabtaan," ayuu yiri qof xog ogaal ah.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa xeerineysa in daahdo doorashadda si ay kalsoonida uga dilaan ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble, in Farmaajo dib u helo awooda maamulka doorashada iyo in ay musharaxiinta musafalaan.

Wasiirka koowaad ee dalka Rooble, midowga musharaxiinta iyo qeybo badan oo kamid ah bulshadda ayaa adkeeyay in meel looga soo wadajeesto "cid kasta oo liddi ku ah nidaamka dowliga ah ee haatan ka jira degaanadda Galmudug".

"Si aan leexleexad lahayn ayaan u barbar taaganahay nidaamka dowliga ah ee maamul Goboleedka Galmudug," ayuu yiri Xasan Cali Khayre, ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna haatan musharax madaxwaynimadda Soomaaliya.

Dhankiisa, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay "cid kasta oo halis ku ah jiritaanka Galmudug waa in meel looga soo wada jeestaa. Cidii tabasho qabtaana waa in ay miiska wadahadalka timaadaa. Cadowga Galmudug waa Alshabaab ee awoodda ha lagu jeediyo cadowga".

Xukuumaddii Khayre ayaa kadib shaqo badan waxay dhidibada u taagtay Galmudugta maanta jirta. Qeyb kamid ah shacabka ku nool degaanada dowlad goboleedkan waxay rumeysan yihiin in siyaasiyiin eegaya dano gaaban ay hor-boodayaa dibin-daabada ku socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo eedeymo culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Cambaareynta xooggan ee Sheekh Shariif ayaa kor u qaadaysa doodda ku saabsan maamulka iyo xuquuqda hadalka.

  • Soomaliya

    11-02-2025

  • 05:28PM

Soomaaliya: Ciidamada Puntland oo Guul Muhiim ah ka Gaaray Dagaal Daacish

Tani waa qayb ka mid ah dagaalkooda 25 sano ah ee ay kaga hortagayaan kooxaha argagixisada ee soo galaya xuduudaha Puntland.

  • Soomaliya

    11-02-2025

  • 04:58PM