Askar horleh kana tirsan AMISOM oo loo karantiilay Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Sagaal askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM ayaa loo karantiilay Coronavirus, sidda uu wariyey bogga Daily Monitor.

Deo Akiiki, ku xigeenka afhayeenka ciidanka Uganda, ayaa xaqiijiyey in askarta ay la kulmeen askarigii todobaadkii hore laga helay caabuqa dilaaga ah.

Sidda laga soo xigtay korneylka, askarta la karantiilay oo baaritaana la marsiiyey ayaa waxay sugayaan natiijadda kasoo baxda tijaabada ay mareen.

Askariga laga helay caabuqa safmarka ah ayaa ka howlgalayey dekadda magaaladda Muqdisho. Lixdii bilood ee lasoo dhaafay kama bixin waddanka.

Tani ayaa lagu macneeyay in uu gudaha ku qaadey xanuunka, balse lama ogga cidda ku daaratay iyo meesha uu ka haleelay cudurka khatarta badan.

"Dedaalo badan ayaa ka socda xeradda oo looga hortagayo faafitaan horleh oo xanuunka uu sameeyo. Muddo laba todobaad ahna waxaa go'doon la geliyey saldhiga," ayuu ku daray Akiiki oo saxaafada la hadlay.

Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan laga diiwaan-geliyey 601 xaaladood oo ah Covid-19, dhimashaddu waxay mareysaa 28, dadka ka bogsadayna waa 31, sidda ay warbixinteeda maalinlaha ee Khamiistii ku sheegtay xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM