Askar lagu dilay toogasho ka dhacday magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo Askari oo katirsanaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya yaa lagu dilay magaalada Muqdisho, xilli amniga uu faraha kasoo baxayo.

Dabley hubaysan ayaa labada Askari oo kamid ahaa Militeriga Soomaaliya ku dhex dilay Guri ay ka deganaayeen nawaaxiga Warshadii hore ee Baastada, sida ay dadka deegaanka u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Kooxda dilka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay kahor inta aysan Ciidamada dowladda soo gaarin, waxaana socda baaritaan la xiriira falkaasi oo qeyb ka ah dhacdooyin amni darro oo mudooyinkii dambe ka dhacayay Muqdisho.

Habeen kahor, Xildhibaan katirsanayd Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo lagu magacaabi jiray Ruqiyo Abshir Nuur ayaa lagu dilay degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Marka laga soo tago dilalka qorsheysan, qaraxyo dhowr ah ayaa bishan ka dhacay Muqdisho kuwaasi oo ugu dambeeyay mid shalay ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Zoobe, kaasi oo uu ku dhintay Shaqaale katirsanaa Hay'adda ICRC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM