Askar uu Imaaraadka tababaray oo lagu xukumay Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Darajadda koowaad ee ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xukuno min Shan sano oo xabsi ciidan ah ku riday Askar ay dowladda Imaaraadka ku tababartay Saldhiga Jeneraal Gordan ee magaaladda Muqdisho.

Askarta oo gaareysa 18 ayaa waxay ka tirsan yihiin Guutadda 14-ka October, taasoo la sameeyay kadib Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe, waxayna ku yimaadeen baaqii madaxda dalka Soomaaliya, kaasoo ahaa in la helo askar aqoonyahano ah.

Xasan Cabdiraxmaan Adan (Wabiyow) oo ka mid ah garsoorayaasha Maxkamadda ciidamadda qalabka sida, ayaa sheegay in 18-ka Askari ay si wada jir ah uga qeyb qaateen abaabullo qabyaaladeysan iyo kicinta rabshado ciidanka dhexdiisa ah, islamarkaana ay diideen amarka taliyahooda.

Askarta ayaa sidoo kale xukunka ku muteystay in ay u doodeen 13 Askari oo kamid ahaa guutada 14-ka October oo horay loo ruqseeyay kuwaasi oo xilli Ramadaan ah isticmaalay Maandooriye markii hore ka mamnuuc ah ciidankan shuruudaha looga mid noqonayo.

HALKAN KA AKHRI MAGACYADA ASKARTA:

1. Xuseen Baashi Cawad Canshuur,
2. Cabdiweli Ibraahim Max’d Xasan,
3. Sharmarke Cabdi Maxamed Nuur,
4. Ismaaciil Saciid Muuse Xiir,
5. Cabdiweli Faarax Ismaaciil Max’ud,
6. Cabdishakuur Maxamed Xirsi Cali,
7. Fatxi Aadan Cali Yuusuf,
8. Jaaamac Cabdullahi Max’ud Cige,
9. Cabdikaafi Maxamed Diiriye Farweyne,
10. Maxamed Axmed Dhalac Cabdi,
11. Cabdinuur Cabdullaahi Max’d Cabdi,
12. Cabdiraxmaan Xirsi Cabdiraxmaan Ciise,
13. Daahir Maxamed Gurxan Cali,
14. Axmed Jaamac Siid Cali,
15. Cabdi Xasan Maxamuud jaamac,
16. Jamaal Cabdi Jaamac Cilmi,
17. Cali Maxamed Abyan Cilmi
18. Yuusuf Saxardiid Yuusuf jaamac.

Sikastaba, ma ahan markii ugu horeysay oo Maxkamadda ciidamada ay xukuno ku rido Askar uu tababaray dalka Imaaraadka, waxaana xusid mudan inay jiraan kuwa kale oo loo haysto Bililiqo ka dhacday Xeradda kadib markii ay faarujiyeen saraakiisha Imaaraadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM