Askari ku dilay Muqdisho qof shacab ah markii loo diiday $1 oo baad ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Askari ka tirsan ciidamadda booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu waramay in xalay uu agagaarka wadada Tarbuunka, degmada Hodan ee Muqdisho uu ku dilay wiil dhalinyarro ah.

Marxuumka oo goobta looga qaadey dhaawac ahaa kuna geeriyooday Isbitaalka ayaa la sheegay in uu kamid ahaa muruq-maalka ka xamaasha dhaqida Mootooyinka loo yaqaano Bajaajta.

Cabduqaadir Axmed Xuseen, oo ah goobjooge u waramay warbaahino uu kamid yahay warsidaha Garowe Online, ayaa daboolka ka qaadey in kahor dilka ay murmeen askariga iyo marxuumka.

Murankooda ayuu ka dhawaajiyey in uu salka ku hayey lacag dhan hal Doolar-ka Mareykanka oo uu ku sheegay "baad" taas oo askariga uu doonayey.

"Labada xabadood ayuu ku furay mid kor ayay aadey, midda kalana madaxa [xajuudda] ayay kaga dhacday," ayuu Cabduqaadir hadalkiisa ku daray.

Ciidamo ka tirsan booliska federaalka oo goobta yimid ayaa xaalada qiimeyay, iyagoo aanan sameyn baaritaan ayay goobta ka tageen. Illaa iyo haatan ma cadda hadii lasoo qabtay askariga dilka geystay.

Falkaan dilka ah ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee Turkiga maamulo ee Isbitaal Digfeer, degmada Hodan ee magaala madaxda waddanka.

Ma jiro wax war ah oo laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay illaa iyo haatan kasoo saareen dhacdadaas.

Ciidamadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in ay si bareer ah u dilaan dadka shacabka ah, waxaana tiradda ka baxsata cadaalada ay ka badan yihiin qaarka kale ee loo maxkamadeeyo dilalka ay ka dambeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM

Booliiska oo Xiray TikTokers Heestii Ololaha Doorashadda Xasan Sheekh u bedelay Aflagaado

Xariggan ayaa dib u kiciyay dood adag oo ku saabsan doorka baraha bulshada ee Soomaaliya, gaar ahaan TikTok.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 06:03AM