Askari ku dilay Muqdisho qof shacab ah markii loo diiday $1 oo baad ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Askari ka tirsan ciidamadda booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu waramay in xalay uu agagaarka wadada Tarbuunka, degmada Hodan ee Muqdisho uu ku dilay wiil dhalinyarro ah.

Marxuumka oo goobta looga qaadey dhaawac ahaa kuna geeriyooday Isbitaalka ayaa la sheegay in uu kamid ahaa muruq-maalka ka xamaasha dhaqida Mootooyinka loo yaqaano Bajaajta.

Cabduqaadir Axmed Xuseen, oo ah goobjooge u waramay warbaahino uu kamid yahay warsidaha Garowe Online, ayaa daboolka ka qaadey in kahor dilka ay murmeen askariga iyo marxuumka.

Murankooda ayuu ka dhawaajiyey in uu salka ku hayey lacag dhan hal Doolar-ka Mareykanka oo uu ku sheegay "baad" taas oo askariga uu doonayey.

"Labada xabadood ayuu ku furay mid kor ayay aadey, midda kalana madaxa [xajuudda] ayay kaga dhacday," ayuu Cabduqaadir hadalkiisa ku daray.

Ciidamo ka tirsan booliska federaalka oo goobta yimid ayaa xaalada qiimeyay, iyagoo aanan sameyn baaritaan ayay goobta ka tageen. Illaa iyo haatan ma cadda hadii lasoo qabtay askariga dilka geystay.

Falkaan dilka ah ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee Turkiga maamulo ee Isbitaal Digfeer, degmada Hodan ee magaala madaxda waddanka.

Ma jiro wax war ah oo laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay illaa iyo haatan kasoo saareen dhacdadaas.

Ciidamadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in ay si bareer ah u dilaan dadka shacabka ah, waxaana tiradda ka baxsata cadaalada ay ka badan yihiin qaarka kale ee loo maxkamadeeyo dilalka ay ka dambeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM