ATMIS oo saldhig ku wareejisay Ciidamada Soomaaliya

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa bilaabay wajigii labaad ee dhimista ciidamada u jooga Soomaaliya. Wejigan ayaa ujeedadiisu tahay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya lagu wareejiyo saldhigga Biyo Cadde ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Saldhiga Biyo Cadde oo ku yaala Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa mas’uul ka ah ciidamada ATMIS ee ka socda dalka Burundi (BNDF), waxayna door muhiim ah ka ciyaartaa difaacida Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad-Goboleedka Hirshabelle.

Munaasabadda xil wareejinta ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socotay hay’adaha ATMIS, dowladda federaalka Soomaaliya, iyo xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOS.

Colonel Philippe Butoyi, Taliyaha Saldhigga Biyo Cadde ee ATMIS, ayaa bogaadiyay kor u kaca tayada ciidamada ammaanka Soomaaliya ay ku sugayaan amniga qaranka, isagoo tilmaamay howlgallada ay ku guuleysteen soo qabashada iyo xakameynta goobo kala duwan.

Xilwareejinta mas’uuliyadda amniga ayaa waxaa si rasmi ah u saxiixay warqadaha xil wareejinta ee Axmed Cali Taakow, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Saldhiga Biyo Cadde.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka kala socday Xarunta Howl-galka ATMIS, Unugga Qorsheynta Kala-guurka ee UNSOS, iyo Waaxda Howlaha ee CXDS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM