AUN Macalin Cabdiraxmaan Maclow oo lagu aasay Magaalada Muqdisho

Image
Macalin Cabdiraxmaan Maclow ayaa 12-ka bishan lagu dilay gudaha iskuulka Siidii ee degmada Wadajir.

Muqdisho, Soomaaliya - Waxaa saakay salaadii janaasada lagula tukaday isbitaalka Madiina, Macalin Cabdiraxmaan Maclow, oo dhawaan lagu dilay iskuul ku yaala magaalada Muqdisho.

Macalin Macalow waxaa ka qeyb qaatay aaskiisa xubno ka mida qoyska marxuumka,iyo boqolaal shacab ah oo ka damqaday dilkiisa.

Ehellada Marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa ka codsaday dowladda Inay cadaalad u raadiyaan marxuumka, isla markaana maxkamad la horkeeno ninka falkaan geystay oo haatan Baxsad ah.

Macalin Cabdiraxmaan Maclow ayaa 12-ka bishan lagu dilay gudaha iskuulka Siidii ee degmada Wadajir ka dib markii uu canaantay mid ka mid ah ardeydiisa.

Dilkan ayaa lagu eedeeyay walaalka ardeygii la canaantay, isaga oo isla markii ka baxsaday goobta oo falka ka dhacay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM