Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan oo Muqdishu lagu dhex-dhexaadiyay

Image

09 January, 2016(GO)-Kulan uu garwadeen kayahay Ra'isal wasaaraha dowladda Federalka Somalia Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa maanta ka dhacay magalada Muqdishu gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ujeedka shirka saddex geesoodka ah ayaa lagu sheegay in lagu xallinayo madmadoow cusub oo kala dhexgalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Labada hogaamiye ayaa shaki soo kala dhexgalay kadib markii dhawaan degmada Ceelbarde looga dhawaaqay maamulka Bakool Sare, waxaana Shariif Xasan ku eedeeyay Jubbaland inay taageerayso maamulkaas.

Arrintaas ayaa sababtay in madaxweynaha Koonfur Galbeed kabiyo diido shirka wadatashiga habraaca doorashada Somalia ee 10 bishan ka dhici doonta magalada Kismayo.

Cumar Cabdirashiid ayaa hogaamiyaasha is-khilaafsan isu keenay waxuuna ku qanciyay in la dhameeyo wixii kala aragti duwanaan ah, isagoo Shariif Xasan ku qanciyay tagista Kismayo.

Kulankan kadib ayaa madaxda labada maamul sheegeen inay diyaar u yihiin wadahadal, waxaana Axmed Madoobe tilmaamay inuu Baydhabo u tagi doono sidii shacabka looga qancin lahaa waxyaabaha la isla dhexmarayo, halka Shariif Xasan uu codsaday in dowladda dadajiso xallinta khilaafka labada dhinac.

Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa dhankiisa sheegay in shirka madashada ee loo ballansanaa 10 bishan inuu furmo laga dhigi doono 11 January.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM