Axmed Madoobe oo amar dul-dhigay deeqbixiyaasha

Image
Image
Image
Image
Image
Amarkan ayaa sidoo kale wuxuu saameynayaa wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland.

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayaa daah furay hanaanka Adeeg daadejinta Dowlada Hoose oo ay hirgalinayso Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalaynta iyo Dib u heshiisinta Dowladda Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada loona baahan yahay inay u diyaar garooban sidii ay usoo dooran lahaayeen dadka matalaya taas oo ay garab socoto in hanaanka adeeg bixinta hoos loo dhaadhiciyo oo qof walba uu meesha uu joogo ku helo adeega Dowlada.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in hanaanka maamul ee dalku uu yahay mid heerar kala duwan ah, isagoo ka kooban Dowlada Federaalka ah, Dowladaha xubnaha ka ah iyo Dowladaha hoose sidaasna hanaanka adeeg bixintu uu u yahay mid u baahan in lasii dhaadhiciyo oo is kabaya.

Madaxweynahu wuxuu sheegay barnaamijka JPLG-gu uu yahay mid wax badan kusoo kordhin doona Jubaland gaar ahaan mashaariicda iyo adeegyada aas aasiga u ah nolosha, iyadoo Dowladda Jubaland ay dhinaceeda qeyb ka qaadanayso sidii uu u hirgali lahaa gaar ahaana Madaxweynahu uu soo dhisayo Xafiiska Wasaaradaha shaqadan qabanaya la shaqayn lahaa.

Waxaa Madaxweynahu uu faray Wasaaradda arimaha gudaha iyo deeqbixiyaasha barnaamijkan fulinaya inay soo dhisaan golayaasha deegaanka oo lagu bilaabayo Degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo oo hada diyaar u ah iyadoo lagu xijin doono degmooyinka kale si shacabku ay usoo doortaan dadka matalaya oo ayna magacaabis ugu iman.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Wasaarada arimaha gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisiinta shaqadii wanaagsanayd ee ay kasoo qabatay bilowga barnaamijkan taas oo ah mid bogaadin mudan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM