Axmed Madoobe oo ka hadlay dagaal Al-Shabaab iyo sida looga adkaan karo

Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo kalimo ka jeediyay munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo badan oo xaaladda dalka quseeya.

Ugu horeyn, hogaamiyaha Jubbaland wuxuu ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed, iyo kuwa Jubbaland xuska 1-da Luulyo, isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan Nabadda iyo xasiloonida dalka.

Mar uu soo hadal-qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa wuxuu tilmaamay in Al-Shabaab aan laga adkaan karin illaa laga helo siyaasad mideysan oo madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo dowladda Federaalka ay isku raacsan yihiin.

Wuxuu intaas ku daray in inta laga helayo siyaasad mideysan oo lagu wajaho xoogaga Al-Shabaab aanan laga adkaan karin, islamarkaana ay sii jiri doonaan, ayna sii wadayaan weerarada ay ka fuliyaan gobolada dalka.

"Waqtigooda waa mid gabaabsi ah, balse, waa inaan la imaanaa siyaasad mideysan oo aan ku wajahno si aan u daba-jarno kuwa yar ee harsan," ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa shacabka Jubbaland si gaar ah uga codsaday inay kala shaqeeyaan maamulkiisa sidii gacantiisa loogu soo celin lahaa deegaanada ka maqan ee ku jira gacanta Al-Shabaab.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo deegaanadda maamulkaas ay ka socdaan Guluf ka dhan ah Xoogaga Al-Shabaab, kaasoo ay wadaan ciidamada xooga dalka, kuwa Daraawiista Jubbaland, AMISOM iyo kuwa Mareykan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM