Axmed Madoobe oo kulan la qaaday wasiirka arrimaha dibadda Ethopia

Image

31 December, 2015(GO)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo shalay 30 December, tagay magalada Addis Ababa ayaa kulan la qaatay wasiirka Arrimaha Dibadda Ethopia Tedhros Adhonom.

Labada hogaamiye ayaa kawada hadlay arrimo ku saabsan xaaladda Somalia iyo ciidamo kasocda dalka Ethopia oo dhawaan la gayn doono deegaanada maamulkaas, kuwaasoo qayb ka ah AMISOM.

Kulanka labada mas'uul ayaa waxaa ku wehelinayay saraakiil katirsan maamulka Jubbaland, waxaana madaxweyne Madoobe oo shirka kadib hadlay uu sheegay inuu ku dhammaaday is afgarad buuxa.

Madoobe ayaa sidoo kale la filayaa inuu la kulmo Ra'isal wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn.

Socdaalka madaxweynaha Jubbaland dalka Ethopia ayaa ku soo meegmaya xilli horaanta bisha Janaayo sannadka cusub Kismayo lagu qabto shir looga hadlayo habraaca doorashada 2016.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM