Axmed Madoobe oo kulan la qaaday wasiirka arrimaha dibadda Ethopia

Image

31 December, 2015(GO)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo shalay 30 December, tagay magalada Addis Ababa ayaa kulan la qaatay wasiirka Arrimaha Dibadda Ethopia Tedhros Adhonom.

Labada hogaamiye ayaa kawada hadlay arrimo ku saabsan xaaladda Somalia iyo ciidamo kasocda dalka Ethopia oo dhawaan la gayn doono deegaanada maamulkaas, kuwaasoo qayb ka ah AMISOM.

Kulanka labada mas'uul ayaa waxaa ku wehelinayay saraakiil katirsan maamulka Jubbaland, waxaana madaxweyne Madoobe oo shirka kadib hadlay uu sheegay inuu ku dhammaaday is afgarad buuxa.

Madoobe ayaa sidoo kale la filayaa inuu la kulmo Ra'isal wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn.

Socdaalka madaxweynaha Jubbaland dalka Ethopia ayaa ku soo meegmaya xilli horaanta bisha Janaayo sannadka cusub Kismayo lagu qabto shir looga hadlayo habraaca doorashada 2016.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM