Jubaland oo sharaxday ahmiyada iskaashiga DF iyo maamulada

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada Galmudug kaga qaybgalay shirka wadatashiga Dowladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu u mahad celiyay dhamaan Shacabka iyo Xukuumada Galmudug sidii sharafta iyo Maamuuska lahayd ee ay usoo dhaweeyeen wafdigiisa iyo dhamaan ka qaybgalayaasha shirkan.

Waxaa Madaxweynahu uu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan uu noqdo mid wax badan ka tara Arimaha Siyaasada ee dalka ka taagan oo ay ugu weyn tahay Arimaha Doorashooyinka.

Madaxweynaha waxaa kale oo uu sheegay in tartanka Doorashada Madaxtinimada dalkeenu ay soo martay marxalado kala duwan iyadoo ay tan iyo markii Federaalka la Aas Aasay ay caado inoo ahayd in afartii sanaba mar la qabto Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha taas oo qof walba uu nasiibkiisa ka dhex raadiyo.

Waxaa kale oo uu xusay in qaababka Doorashooyinkaas loo qaban jiray ay mar walba ahayd halka la taagan yahay Siyaasada ahaan iyo amni ahaanba isla markana mar walba ay lagama maarmaan tahay in Doorashooyinku ay noqdaan kuwo la isla ogolyahay.

Masuuliyada ayuu sheegay Madaxweynahu in ay qof walba loo baahan yahay in lagu tixgaliyo haday noqoto heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed si wakhti danbe uuna dalkeena uga khasaarin isla markana horay loogu sii socdo.

Hay’adaha Federaalka ah ayuu sheegay Madaxweynahu in ay kahor inta aanay meel marin xeerar iyo qaraaro saamayanaya Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ah ay la tashi la sameeyaan dhinacyada ay qusayso.

Madaxtooyadda Jubbaland

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM