Axmed Madoobe oo shir u furay wasiirada Jubaland

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa daahfuray kulanka wadareedka dardar galinta hiigsiga Xukuumada oo lagu dardar galinayo shaqooyinka Wasaaradaha Dowlada.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in shaqooyinka Wasaaradaha ay yihiin laf dhabarta Shaqooyinka Dowlada taas oo hadii si hufan loo qabto wax weyn kusoo kordhinaysa hiigsiga Xukuumada ee fulinta adeegyada bulshada loo hayo.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in loo baahan yahay in xooga la saaro sidii hormuudka Wasaaradaha Dowladu ay xooga u saari lahayeen hufnaanta shaqada iyo ka mira dhalinta waxyaabaha hortabinta leh.

"Waxaan maanta daahfuray kulan wadareedka golaha wasiirada ee dardar galinta hiigsiga Xukuumada oo wax badan ka tari doona hufnaanta shaqada iyo adeegyada shacabka ee hormuudka ay ka yihiin wasaaradaha Dowlada," ayuu yiri Axmed Madoobe

Ugu danbayn, madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Machadka Juba Valley Institute ee kulankan soo qaban qaabiyay iyo aqoonyahanada intuu socdo casharada ka bixin doona isagoo hoosta ka xariiqay in kulankan uu fure u noqon doono dardar galinta shaqada shacabka loo hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM