Axmed Madoobe oo u duuley Brussels xilli khilaaf kala dhaxeeyo DFS

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta u duulay dalka Belgium halkaasi oo maalinta berri ah ka furmi doono shirka arrimaha Soomaaliya ee Brussels.

Wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Gollahiisa wasiiradda ayaa waxay ku biiri donaan hogaamiyaasha kale ee maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka oo qaarkood xalay gaarey magaalada Brussels.

Shirka "Somalia Partnership Forum" ayaa looga hadli doonaa Qorshaha Amniga Qaranka, Bixitaanka ciidamadda AMISOM 2020, dhaqaalaha iyo qodobo kale oo waa wayn.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, hogaamiye-yaasha Galmudug iyo HirShabeelle, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka,Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnno kale oo heer sare ayaa xalay gaaray Belgium.

Cabdiwali Maxamed Cali [Gaas], Madaxweynaha Puntland iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa dhankooda shalay kasoo baxay Garoowe, iyagoo ku wajahan magaalada Brussels.

Shirkaan oo loo balansan yahay inuu furmo 16-17 bishaan July ayaa waxaa la filayaa in gaba gabadda laga soo saaro War-murtiyeed ay ku cad-yihiin waxybaaha ay isla meel-dhigeen dhinacyadda ka qeybgalaya.

Safarka Axmed Madoobe ugu amba-baxay dalka Belgium ayaa kusoo beegmayaa iyadoo xiisaddi ka dhalatay Taliye ay dowladda usoo magacowday Taliska ciidamadda xooga dalka Jubbaland loo diiday inuu ka dego Kismaaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM