Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo Sheekh Shariif oo kulmay

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Jubaland, Hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran iyo Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa kulan ku yeeshay magaaladda Nairobi, caasimadda Kenya.

Axmed Maxamed Islaam, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Aadan ayaa muddooyiinkii dambe ku sugnaa halkaas.

Qoraal kasoo baxay kulankooda ayaa waxaa lagu sheegay in ay kawada hadleen siyaasadda guud ee dalka.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu soo qaadey doorashooyinka dalka kusoo fool leh 2020-2021, oo qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod ah, wallow ay jiraan aragtiyo meesha ka saaraya arrintaas.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa haatan ka doodaya sharci doorashooyinka oo uu soo diyaariyey guddi baarlamaani ah.

Mudaneyaasha ayaa dooda kadib waxaa la filayaa in ay cod u qaadaan sharcigan oo muhiim u ah hiigsiga qaranka ee 2020-21.

Madaxda dowladda iyo baarlamaanka haatan shaqeynaya ee waddanka ayaa waxaa horey looga digay in ay sameystaan muddo kororsi, taas oo la sheegay in ay khatar ku tahay dimuqraadiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM