Axmed Madoobe: Madaxweynaha Jubbaland oo baaq u diray shacabka

Image

KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhamaan Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciida Carafo ee Sanadka 1441-HIJRIGA.

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed xusuusiyay muhiimada ay leedahay in maanta oo kale la garab istaago dadka aan waxba haysan si ay farxad ugula ciidan Bulshada isagoo ku booriyay in qof walba uu garab istaago walaalkiisa aan waxba haysan taas oo ajir ay ugu sugan tahay wixii uu qof walba la boxo.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in dalkeenu uu la daala dhacayo duruufo kala duwan oo ay ugu weyn yihiin nabadgalyada iyo Xanuunka Covid19 oo Wali ka jira qaybo badan oo dalkeena ah isla markana galaaftay dhaqaalahii aan markii horaba cagaha adag ku taagnayn ee Bulshadeena.

Waxaa uu ugu baaqay Shacabka inay raacan talooyinka hay’adaha Caafimaadka iyadoo waliba hada loo diyaar garoobayo sidii loo fududayn lahaa xayiradaha saaran waxyaabaha Bulshada muhiimka u ah iyadoo laga duulayo in dib loo bari taaro dhaqaalaha iyo Nolosha shacabka.

Shacabka Ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay sida hay’adaha amaanka ay ugala shaqaynayaan nabadgalyada isagoo xusay in howlgaladii u danbeeyay ee Ciidamada amaanku ay sameeyeen lagu soo qabtay maleeshiyaad iyo waxyaabaha qarxa oo ay doonayeen in Shacabka ay ku dhibaateeyaan.

Madaxweynaha ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay Sanadkan Sanadkiisa inay ku gaaran Nabad iyo Barwaaqo.

Madaxtooyadda Jubbaland

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM