​Baabuur qarax siday oo Muqdishu lagu qabtay

Image
Image
Image

MUQDISHU- Ciidamada nabadgalyada magalada Muqdishu caasumadda Somalia, ayaa gacanta ku dhigay gaari siday agabyada qarxa iyo shakhsiyaad la sheegay inay ku lug lahaayeen arrintaasi baabuurkana watay.

Gaarigan ayaa lagu qabtay degmada Dayniile gaar ahaan xaafadda Ciise Cabdi, waxaana howlgalkaasi fuliyay ciidamada Nabadsugidda Somalia ee NISA, kuwaasoo tilmaamay inay baaritaan ku samaynayaan dadka oo ay xuseen inay xiriir la leeyihiin xarakada Shabaab.

Ciidamada, ayaa sheegay in baabuurkan la doonayay in lagu waxyeelleeyo shacabka Somaliyeed, waxayna tilmaameen in tallaabadaan la qaaday kadib markii xog laga helay shacabka degmadaasi.

Agabka baabuurka lagu qabtay, waxaa ku jiray rasaasta hubka qaybihiisa kala duwan, qoryahay fudud gaar ahaan AK47 iyo gaaska loo isticmaalo dabka, kaasoo ciidamadu tilamaameen in u adeegsadaan qaabkii u siyaadin lahaa waxyeellada qaraxaasi ka dhasha.

Waa markii saddexaad gaari caynkan oo kale sida waxyaabaha qarxa lagu qabtay magalada Muqdishu labadii bilood ee ugu dambaysay, wuxuuna kusoo aadayaa xilli uu siyaaday weerarada qorshaysan ee loo gaysanayo shacabka Somaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM