Baarayaal ajnabi ah oo la wareegay kiiska weerarkii Otto Otto

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xog uu helay Garowe Online, ayaa sheegaysa in dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Kiiska qaraxyadii iyo weerarkii tooska ahaa ee lagu qaaday dhismaha Wasaaradaha Amniga iyo Gudaha baarayaal Ajnabbi ah.

Kooxda baarayaashaan oo ka kala socda dowladdo kala duwan, ayaa ujeedka loogu wareejiyay baaritaanka weerarkii Otto Otto aya ah inay raadaraac ku sameeyaan raggii is qarxiyay, iyagoo meydadkooda ka qaatey samballo ay DNA-da ka baarayaan.

Weerarkan, oo ahaa mid si heersare ah loo soo agaasimey ayaa shaki badan geliyay mas'uuliyiinta dowladda, iyadoo uu khilaaf ka dhex-abuuray howlwadeenada Wasaaradda Amniga.

Cabdi Casiis Xildhibaan, Afhayeenka Wasaaradda Amniga, ayaa wax aan suurtagal ahayn ku tilmaamay in iyadoo Jidadka caasimadda ay xiran yihiin la galo xarun amnigeeda si aad ah loo sugo, kuna taalla aag Qad-cagaaran ah [Green Zone].

Dableydii falkaan geysatay, ayaa la sheegay inay wateen aqoonsiyo [ID cards] kuwa Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga ataasoo u suuara-gelisay inay gudaha u galaan dhimsaha, oo weerar ka fuliyaan.

Wuxuu su'aal adag uu ka keenay in iyadoo dhowr Kontarool ay horyaallaan xarunta Otto Otto, ay xubnaha Shabaabka ahaa ay gaarigooda la galaan gudaha, isagoo ka muujiyay shaki ah inay jiraan "saraakiil ama Askar fududeysay weerarkaan".

Dowladda Soomaaliya ayaa 24 saac kadib weerarka xabsiga dhigtay 14 Sarkaal oo ay ku jiraan Taliye-yaal Nabad Suddiga iyo Booliska ka tirsan, kuwaasoo looga shakisan yahay inay wax ka ogaayeen dhacdadan, waxaana hadda ay ku socoto baaritaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dowladda hadda jirta ay ka qeybgeliso baarista qarax ama weerar ka dhacay magaaladda Muqdisho, waxaana xusid mudan in qaraxii Zoobe [October 14] ay ka qeybqaateen baaristiisa Baarayaal Ajnabi ah.

Sikastaba, waxa hadda laga war-sugayaa laamaha amaanka dowladda, gaara ahaan Wasaaradda Amniga oo saaran cukeys ku aadan inay jawaab cad ka bixiso sida ay Shabaab weerar ka fuliso gudaha xarun ay degan yihiin Wasaarado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Ma doonayno in Israa’iil noo timaaddo oo dhibaatooyin noo keento

Wuxuu tallaabada Israa’iil ku tilmaamay mid “aad u murugo leh,” isaga oo ku baaqay in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.

  • Soomaliya

    31-12-2025

  • 08:48PM

Dowladda Soomaaliya oo xoojisay dagaalka siyaasadeed oo ka dhanka qaar ka tirsan maamulada dalka

Su’aal ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababta si gaar ah Puntland ….

  • Soomaliya

    30-12-2025

  • 06:24PM